Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeeray fariisimaha ciidamada ee magaalada Baraawe

0

Baraawe, Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha ayaa kormeerkiisa ku soo maray goobaha ay ciidamada ka howlgalaan, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada iyo habsami u socodka howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka. Intii uu kormeerka ku guda jiray, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa saraakiisha ciidamada ka xog-wareystay xaaladda guud ee amniga, waxaana uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ku sugan fariisimaha kala duwan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga goobihii ay ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ku bogaadiyay ciidamada gudashada waajibaadkooda qaran iyo ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen inay difaacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here