Hiiraan – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa 26-kii bishan Nofeembar howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge, halka laba kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay. Horjoogeyaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Abuukar (Abuu Khaalid), oo kooxda u qaabilsanaa maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo Ayuub, oo ahaa madaxa maleeshiyaadka Xisbada ee deegaanka Afarta Tuulo.
Sidoo kale, howlgalka ayaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay Horjooge Macallin Mursal, oo kooxda u qaabilsanaa beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo Horjooge Faysal, oo mas’uul ka ahaa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogeyaasha la beegsaday ayaa dhowaan soo dhammaystay tababar muddo lix bilood ah uga socday deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu naafeeyay xubno ka mid ahaa hoggaanka kooxda ee tababarka soo qaatay, xilli ay qorsheynayeen falal ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha.




