Golaha wasiirada oo shir deg-deg ah ka yeelanaya heshiiska S/LAND iyo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada isugu yeeray shir looga hadlaya heshiiskaan maanta ay sida wada jirka u wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis “taarikhi ah” oo u gogol xaaraya in hamiga Itoobiya ee ku aaddan helida dekad ku taala badda cas iyo saldhig military.

Xafiiska RW Itoobiya ayaa loogu dhawaaqay Heshiiska kaasoo sidoo kale xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, oo ah maamul katirsan Soomaaliya oo 32 sano sheeganaya gooni u goosad.

Intaa waxaa dheer, Heshiiska Is-afgaradku wuxuu sidoo kale tilmaamayaa dariiqa lagu xoojinayo xiriirkooda siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed.

Heshiiska wuxuu dib u xaqiijinayaa mawqifka mabda’a ah ee Dawladda Itoobiya ee lagu horumarinayo danaha labada dhinac iyada oo loo marayo iskaashi ku salaysan is-dhaafsi danaha ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here