Somaliland oo siisay Itoobiya Dekad iyo saldhig Militeri

0

ADDIS ABABA [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Addis Ababa Maanta ku kala saxeexday heshiis “taarikhi ah” oo u gogol xaaraya in hamiga Itoobiya ee ku aaddan helida dekad ku taala badda cas iyo saldhig military.

 

Xafiiska RW Itoobiya ayaa loogu dhawaaqay Heshiiska kaasoo sidoo kale xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, oo ah maamul katirsan Soomaaliya oo 32 sano sheeganaya gooni u goosad.

Intaa waxaa dheer, Heshiiska Is-afgaradku wuxuu sidoo kale tilmaamayaa dariiqa lagu xoojinayo xiriirkooda siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed.

Heshiiska wuxuu dib u xaqiijinayaa mawqifka mabda’a ah ee Dawladda Itoobiya ee lagu horumarinayo danaha labada dhinac iyada oo loo marayo iskaashi ku salaysan is-dhaafsi danaha ay wadaagaan.

Tani ayaa bog cusub u furaysa iskaashi waxayna muhiimad wayn u leedahay is dhexgalka gobolka ee geeska. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlaysaa in ay kor u qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo nabadgelyada gobolka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Xafiiska RW Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here