Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdulqaafaar Cilmi Xaange, iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa ujeeddadiisu ahayd in mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda laga helo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Dakhliga, gaar ahaan qodobbada la xiriira qaab-dhismeedka iyo shaqooyinka Hay’adda.
Xubnaha Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda weydiiyay su’aalo iyo qodobo u baahan faahfaahin dheeraad ah, si ay u helaan aragti iyo xog ku filan oo ka caawisa sixitaanka, turxaan-bixinta iyo tayeynta Hindise-Sharciyeedka, loogana dhigo mid dhammaystiran oo ka tarjumaya baahiyaha dalka.




