Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray difaacyada hore ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kormeer shaqo ku tagay difaacyada hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha iyo saraakiisha ku wehlinayay socdaalka ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee amniga iyo tan nololeed ee magaalada, iyagoo sidoo kale qiimeeyay xaaladda Ciidamada iyo goobaha ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan “Isxaaq Berdaale”, ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiisha la socotay warbixin guud ka siiyay xaaladda amniga, howlgalladii iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee Ciidamadu galeen, iyo guulaha laga gaaray kooxaha cadowga ah.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ku ammaanay guulaha ay gaareen, isagoo uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay uga feejigan yihiin dhaq-dhaqaaqyada cadowga iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka ay dhaarta u mareen inay u adeegaan.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here