Muqdisho, Soomaaliya — Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas, ayaa diiradda lagu saaray Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka. Taliyeyaasha ayaa guddiga la wadaagay talooyin iyo aragtiyo la xiriira hindise-sharciyeedka, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu daro qodobbo muhiim u ah difaaca qaranka.
Ugu dambeyn, guddiga iyo taliyeyaasha ayaa isla qaatay in talooyinka iyo aragtiyada la soo jeediyey lagu daro Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, maadaama difaaca qaranku yahay arrin muhiim u ah dalka.




