Muqdisho, Soomaaliya — Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda Zain-al-Abdin Group Africa Limited, oo uu hoggaaminayay Madaxa Fulinta shirkadda, Dr. Ashraf Omran.
Wafdigan ayaa booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya, iyagoo ujeeddadoodu tahay sahminta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, beeraha iyo xoolaha. Qaybahan ayaa leh fursado maalgashi oo wax weyn ka tari kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo abuurista fursado shaqo.
Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa kulankan ku muujisay doorkeeda ku aaddan fududeynta xiriirka u dhexeeya maalgashadayaasha, hay’adaha dowladda iyo ganacsatada, iyadoo wafdiga siinaysa xog iyo hagitaan ku saabsan jawiga maalgashiga dalka, kana taageeraysa aqoonsiga iyo qiimeynta mashaariicda leh fursadaha maalgashi.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ay ku doonayso inay ku soo jiidato maalgashiga caalamiga ah, kuna dhiirrigeliso iskaashiga ganacsi iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.
Dadaalladan ayaa sidoo kale ujeeddadoodu tahay abuurista shaqooyin, kobcinta ganacsiyada maxalliga ah iyo dardargelinta horumarka iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.




