Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Danjire Ferhat Alkan, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, dhaqaalaha buluugga ah iyo horumarinta ka faa’iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya. Wasiirka ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay horumarinta kalluumaysiga iyo maalgashiga khayraadka badda, si kor loogu qaado dhaqaalaha buluugga ah, loo abuuro fursado shaqo, loona kordhiyo wax-soo-saarka dalka.
Dhankiisa, Danjire Ferhat Alkan ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada wax-ku-oolka u ah horumarka Soomaaliya. Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.




