Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada oo Wasiirka Waxbarashada su’aalo ka weydiiyey xaaladda waxbarashada dalka

0

Muqdisho, Soomaaliya — Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo-weydiin ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda waxbarashada dalka iyo arrimo la xiriira deeqaha waxbarasho.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa waxaa Wasiirka ku wehelisay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Nuura Mustaf Mukhtaar Guudow, waxaana shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Wasiirka ayaa guddiga warbixin guud ka siiyey xaaladda waxbarashada dalka, horumarka laga sameeyey iyo caqabadaha weli jira.

Xubnaha guddiga ayaa intaas kaddib wasiirka, wasiiru-dowlaha iyo agaasime-waaxeedyada weydiiyey su’aalo ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada, deeqaha waxbarasho ee ay helaan ardayda Soomaaliyeed, habka loo bixiyo deeqahaas iyo shuruudaha lagu helo, iyo sida ay ugu kala qeybsamaan dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa wax laga weydiiyey sannadka dheeraadka ah ee lagu daray waxbarashada jaamacadaha, sababaha keenay go’aankaas iyo baahida loo arkay in lagu daro muddada waxbarashada. Wasiirka ayaa xubnaha guddiga uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey, isaga oo faahfaahin ka bixiyey arrimaha ay ka hadleen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa wasiirka, wasiiru-dowlaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda uga mahadcelisay ka qeybgalka kulanka iyo xogaha ay guddiga la wadaageen.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waxbarashada iyo adeegyada bulshada, iyadoo sheegtay in guddigu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa ku aaddan la socodka iyo horumarinta adeegyada bulshada.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here