Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka oo la kulmay mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Muqdisho, Soomaaliya: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadaad Nuur Caliyow.

 

Kulanka waxaa shir guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiraxmaan Saciid Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA iyo khubaro ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Guddiga ayaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshe-hawleedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Intaas kaddib, Guddigu wuxuu mas’uuliyiinta Wasaaradda, Hay’adda NIRA iyo Hay’adda SoDMA weydiiyay su’aalo la xiriira qorshayaasha, howlaha iyo waajibaadka hay’adahaasi.

Ugu dambeyn, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, ayaa kulanka soo xiray, isagoo u mahadceliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qeyb galay kulanka.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here