Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo loogu talagalay inay buuxiso baahiyaha hawlgal, maamul iyo hoggaamineed ee Ciidanka Badda.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda dhagax-dhigga ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Ciidanka Badda uu u leeyahay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ilaalinta badaha, kheyraadka badda iyo xeebaha dalka ay yihiin waajibaad qaran oo u baahan ciidan leh awood, aqoon, qalab iyo xarumo ku filan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhismaha xaruntan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Badda, si ay si hufan uga soo baxaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed iyo baddeed ee dalka.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Türkiye.
Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo kaabayaasha ciidamada qalabka sida, iyadoo la doonayo in Ciidanka Badda loo helo xarun ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda la xiriira ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliya.



