Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar, taas oo caawa lagu qabtay Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee macallinka Soomaaliyeed uu ku leeyahay kobcinta aqoonta, dhismaha garaadka iyo tarbiyadda jiilka soo koraya, kuwaas oo laf-dhabar u ah mustaqbalka iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

“Dalkaan waxaa ugu qiimo badan macallinka, kaas oo duruufo adag ku shaqeeya. Sidaas awgeed, maanta heer ka fiican heerarkii hore ayay marayaan macallimiintu, waxaana looga baahan yahay in ardayga Soomaaliyeed ay maskax ahaan u dhisaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in ubadka Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa halbeegyada caalamiga ah.

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa sanad walba 21-ka Nofeembar loo dabaaldegaa, iyadoo lagu maamuuso doorka macallimiinta ee barbaarinta jiilasha, faafinta aqoonta iyo dhismaha bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here