Guddiyadda Doorashooyinka oo la kulmay haweenka Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddiga Doorashada Galmudug oo uu hogaaminayo Gudoomiye Maxamed Daahir Guuleed iyo Guddiga FEIT oo uu metelayey Cabdicasiis Cabdirahman ayaa la kulmay haweenka iyo qaar kamid ah Musharixiinta haweenka ah ee Golaha shacabka.

Dhanka Haweenka guddiyadda Doorashooyinka la kulmay waxaa hogaaminayey wasiirka Wasaaradda Haweenka Galmudug Marwo Ubah Dhiblaawe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka iyo xaqiijinta qoondada haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here