Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Dayniile + khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay  duleedka degmada Dayniile, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari uu la socday taliyaha nabad sugidda degmadaasi, Cabdishakuur Raage (Cabdi Yare) oo la sheegay inuu ku dhintay weerarka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxaasi ay sidoo kale ku dhinteen qaar ka mid ah ilaalada taliyaha, kadib markii ay miinadu haleeshay gaarigooda.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay ku khaarijisay taliyihii nabad sugidda degmada Dayniile iyo 11 askari oo kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Dayniile ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo nooca miinada ah iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here