Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Catriona Laing + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing oo uu wehliyo MudaneĀ  Paul Partner oo ah sarkaal UNSOM u qaabilsan arrimaha siyaasadda.

 

Guddoomiyaha iyo Wakiilka XG ee QM waxay si ka wada hadleen, xaaladda guud ee Dalka, arrimaha dib u eegista Dastuurka ee haatan socota, habka ugu haboon ee lagu qaban karo doorashooyin qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii dalku uga guuri lahaa nidaamka qabiilka ku salaysan ee 4.5 looguna guuri lahaa nidaam ku salaysan axsaab, iyo sidoo kale sidii hay’adaha QM gacan uga gaysan lahayd fududaynta arrimahaas horyaalla Qaranka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here