Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Jabuuti – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo ay mideeyaan dhalasho-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh soo jireen ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uusan ku koobnayn oo keliya xiriir diblomaasiyadeed, balse uu salka ku hayo walaaltinimada qotada dheer ee labada shacab iyo masiir-wadaag ka sarreeya xuduudaha siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu saldhig adag u yahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada dal.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here