Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Madax-dhaqameedka uu Madaxweynuhu qaabilay ayaa kala ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda xoojinta xiriirka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee adkaynta is-fahamka iyo isku-duubnida bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay kaalinta ay madax-dhaqameedku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed ay yihiin tiirarka muhiimka u ah xoojinta walaaltinimada, kalsoonida iyo midnimada ummadda.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.




