Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen. Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale si wadajir ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal.May be an image of suit, wrist watch and textMay be an image of one or more people, suit and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here