Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Türkiye u Fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo danaha wadajirka ah ee labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgeliyeen Soomaaliya iyo kuwa hadda socda.

Waxa uu xusay in mashaariicdaasi ay door muhiim ah ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan labada shacab.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka cusub ee Türkiye, oo uu wehelinayey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa kormeeray dhismaha xarunta Golaha Shacabka iyo goobta ay ka dhacaan kulamada guud ee Golaha.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here