Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta wada-shaqeynta warbaahinta labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta, is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada xirfadeed, horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.
Kulanka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Sidoo kale, waxay booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka. Kooxaha ayaa soo bandhigay bandhigyo ka tarjumaya hodantinimada hiddaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Safiirka Aljeeriya, Danjire Maxamed Caliim, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey sida ay Dowladda Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.
Dhankiisa, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in wada-shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanku ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta warbaahinta qaranka, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo is-dhaafsiga khibradaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale Safiirka uga mahadceliyey booqashadiisa iyo dadaallada uu ugu jiro xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Ugu dambayn, kulankan ayaa muujinaya dadaallada ay Soomaaliya iyo Aljeeriya ku doonayaan inay ku sii xoojiyaan xiriirkooda taariikhiga ah, isla markaana ku ballaariyaan iskaashiga dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta, si loo abuuro fursado cusub oo horseeda is-dhaafsi aqooneed, horumarinta warbaahinta iyo kobcinta xiriirka labada shacab.




