Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay wasiirada gargaarka K/G, Jubbaland iyo Galmudug

0

MUQDISHO (SMN)  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowlad Goboledyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

 

Shir gaar ah oo ay wada qateen Guddoomiyaha Hay’adda iyo Wasiiradaan ayeey uga wada hadleen sidii wadajir dadka sameenta ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada loogu gurman lahaa, in Raashinkii dowlada Ruushka dalkeena ugu deeqday si siman Dowladd Goboledyada dalka ka jira loo wada gaarsiiyo, bulshada tabaayalysana loo gaarsiiyo sidii loogu talagalay.

Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Candiraxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, iyaga oo ku ammaanay sida ay go’antahay caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here