Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, labo kale way ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, oo ku yaalla xadka dalka Soomaaliya.

 

Qaraxa ayaa haleelay gaari rakaab ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalada Garissa iyo Xerada qaxootiga ee Dhadhaab, sida uu sheegay booliska Kenya.

Saraakiisha amniga gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya waxay sheegeen in qaraxa uu qeyb ka yahay weeraro ay fulinayso Al-Shabaab, kuwaasoo saameyn ku yeeshay xasiloonida,  isku socodka iyo ganacsiga.

Mudo bil ah deganaansho ayaa ka jirtay gobolka kadib markii roobab ka bilowdeen bishii October, iyadoo Ciidamada Kenya kordhiyeen howlgalada roondada ah oo lagu xaqiijinayo amaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Kenya qaraxyo iyo weeraro badan ka geysatay tan iyo markii dalkan Ciidankiisa ay soo galeen Soomaaliya 2011, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here