Aadan Madoobe oo war kasoo saaray dilka Marxuum Ibraahim Saalax Deyfullaah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday marxuum xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaah, oo lagu dilay degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

Marxuum Ibraahim Saalax Deyfullaah ayaa kamid ahaa xildhibaandii Baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ee JFS, isagoo waqtiyo adag u soo adeegay Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu janadiisa hoy uga yeelo, qoyska, ehelka iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here