Tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa lagu yirii ujeedo hakin cayaarah maamul gobaleedyafa iyo gobolka Banaadir:-

Waxaan si xushmad leh idin kaaga mahadcelineynaa ka qeybgalka tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya guud ahaan,hadaba waxaan idinku wargalineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo labo maalmood ah,iyadoo la ciyaari doono 1-daa January 2024 waxaan la idinla soo wadaagi doona jawdalka ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023.

Sidaasi darteed waxaan ku rajaweynahay in sidii aan horay idinkaaga baranay aad ugu soo diyaar garoobi doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here