Guddoomiye waaxeedyo loo haysto Shabaabnimo oo la maxkamadeeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dhageysatay dacwad ka dhan ah 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiye waaxeedyo ka howlgalayay degmadaasi.

 

Eedeysanayaasha ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haysto la shaqeynta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kooxdan lagu soo eedeeyay inay ahaayeen shabakad basaasiin u ah Al-Shabaab, isla-markaana ka howlgaleysay degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaasha ka muuqday maxkamadda ayaa kala ah Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf), oo la sheegay inuu ahaa diiwaan haya kooxda, kaas oo oo 14-kii bishii labaan ee sanadkan laga soo qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa loo heystaa inuu ahaa wakiilka shabakadda ee degmada Hodan, sidoo kalena uu wax ka abaabul dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda.

Jibriil Cabdullaahi Sheekha oo isna kamid ah shabakaddan ayaa loo haystaa faafinta fikirka Al-Shabaab, wuxuuna ninkan kusoo tababartay Saakow, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiqa) ayaa isna wajahaya eedeyn ah inuu macluumaadka qaraxyada kasoo gudbin jiray deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaat, isaga oo ah wadaad Tabliiq ah, hadane ka tirsan shabakaddan la horkeenay maxkamadda ciidamada.

Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa iyadana loo maxkamadeeyay inay shaqo basaas ah ka qabatay degmada Hodan iyo xarunta xisbiga, sidoo kalena ay baraha bulshada ka taageertay Al-Shabaab.

Xidigle Xoogga Cawil Jaamac Cabdule Xiirey guddoomiyihii laanta 5-aad ee Midnimo, waaxda October ee degmada Hodan, Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer) guddoomiyihii laanta labaad ee Feer-Feer, Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) guddoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale guddoomiye ku xigeenkii waaxda Kacaan, ahaana guddoomiyaha isboortiga ee waaxda, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax guddoomiye laameedkii waaxda Taleex, kuna magacowneyd laanta Al-barako iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) oo ahaa guddoomiyaha laanta afaraad ee waaxda Kacaan ayaa dhammaantood ka siman eedda ah inay qaabilsanaayeen qaybta basaasnimada ee maamulka degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa jira eedeysane kale oo baxsaday ahaana sarkaal ka tirsan Boolis ah oo u goostay Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ayaanle Maxamed Cali, kana howlgalayay saldhigga degmada Hodan, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dhankooda qareenada difaacaya eedeysanayaasha ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin dambiyada lagusoo oogay, waxay sheegeen maxkamaddu aanay hayn caddeymo iyo marqaatiyayaal intaba.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada  Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan kasoo saari doonto xukunka eedeysanayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here