Guddoomiyihii maxkamada sare ee dalka oo ka horyimid xil ka qaadistiisa

0

MUQDISHO – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga hadlay tallaabada xilka looga qaaday iyo hanaankii ay Villa Soomaaliya u martay, isagoo ku tilmaamay inaysan sharciyad lahayn go’aannada iyo habraacyada loo adeegsaday xil ka qaadistiisa.

 

Baashe Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo badan la geeyay xarunta Maxkamadda Sare, arrintaas oo uu sheegay inay cabsi iyo walaac ku abuurtay, isla markaana khatar gelisay naftiisa.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan difaacayn kursiga uu hayay, balse uu ka hadlayo ilaalinta sharciga iyo madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.

“Ma difaacayo xilka, ee waxaan difaacayaa sharciga. Madaxweynaha waa inuu ciidanka saddexda boqol ee uu dul dhigay Maxkamadda ka dulqaadaa,” ayuu yiri Baashe Yuusuf Axmed.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu ciidanka laga qaaday xarunta Maxkamadda Sare, isagoo muujiyay walaac ku saabsan joogitaanka ciidamo badan oo ku sugan xarunta hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo uu jiro khilaaf ka dhashay xil ka qaadista Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo dhalinaya dood ku saabsan habraaca sharci ee xil ka qaadista, madax-bannaanida garsoorka iyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here