Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Saleebaan Sheekh Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynihii Koowaad ee Xoojinta Kooxda Shaqada Dhaqaalaha Guud (Macroeconomic Working Group), kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda.
Shirweynaha waxaa ka qaybgalay afarta hay’adood ee muhiimka u ah ururinta, diyaarinta iyo falanqaynta xogta dhaqaalaha dalka, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha dhaqaalaha, mideynta xogaha iyo warbixinnada la xiriira dhaqaalaha dalka, iyo hirgelinta halbeegyo iyo qiyaaso dhaqaale oo mideysan (Common Macroeconomic Assumptions).
Sidoo kale, waxaa shirka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ay wadaagaan xog sugan oo waqtigeeda la helo, si loo xaqiijiyo in la helo falanqayn iyo saadaal dhaqaale oo la isku halleyn karo, taas oo saldhig u noqon karta dejinta siyaasadaha dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarinta dalka.
Xoojinta Kooxda Shaqada Dhaqaalaha Guud ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka xogta dhaqaalaha qaranka, laguna xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh maamulka iyo qorsheynta dhaqaalaha.
Shirweynahan ayaa sidoo kale muhiim u ah taageeridda go’aan-qaadashada siyaasadaha maaliyadeed iyo dhaqaalaha guud, iyadoo la mideynayo xogaha iyo saadaasha ay hay’adaha kala duwan ku saleeyaan qorshayaasha horumarineed ee dalka.




