Qaahira – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay, hadalna ka jeediyey Shirka Aasaaska Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Afrika ee ku Hadla Af-Carabiga (AFROSAI-A), kaas oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirka ayaa lagu doortay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS inuu noqdo Hantidhowraha Dibadda ee Keydsan (Alternate External Auditor) ee AFROSAI-A muddada 2026–2029, halka Hantidhowrka Guud ee Aljeeriya loo doortay Hantidhowraha Dibadda ee Ururka muddadaas. Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa AFROSAI-A, oo ka kooban sagaal dal, uga mahadceliyey kalsoonida ay siiyeen Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ururku ka gudbo marxaladda aasaaska, una gudbo heerka hawlgalka iyo wax-ku-oolnimada, si loo xoojiyo iskaashiga xirfadeed ee u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee xubnaha ka ah ururka.





