Baydhabo – Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, oo ka tirsan garabka Cabdicasiis Laftagareen, ayaa si adag u cambaareysay duqeyn ay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay ka geysteen magaalada Doolow, taas oo lagu beegsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Cabdi, oo loo yaqaan Jeneraal Shub.
Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarka lagu dhaawacay Jeneraal Shub, halka ay sidoo kale ku dhinteen dad kale oo ku sugnaa guriga. Waxay ku dooday in weerarku uusan ahayn howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ama koox kale oo argagixiso, balse uu ahaa weerar si ula kac ah loogu beegsaday Jeneraal Shub oo ay ku tilmaantay sarkaal ciidan iyo siyaasi kasoo horjeeda dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee lagu beegsado siyaasiyiin iyo saraakiil Soomaaliyeed uu yahay arrin halis ah oo sii xoojin karta khilaafka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay dowladda Turkiga ka dalbatay inay si cad u shaaciso cidda go’aamisay in Jeneraal Shub iyo gurigiisa laga dhigo bartilmaameed, iyo saraakiisha Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga ee codsaday, ansixiyay ama amray howlgalka.
Sidoo kale, Koonfur Galbeed waxay ku baaqday in la ilaaliyo dhammaan xogta la xiriirta howlgalka, oo ay ku jiraan xogta duulimaadka, isgaarsiinta, xogta sirdoonka iyo amarada lagu fasaxay weerarka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale dalbatay baaritaan caalami ah oo madax-bannaan oo lagu sameeyo cidda oggolaatay weerarka, sida loo fuliyay iyo khasaaraha ka dhashay.
Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday Midowga Afrika, AUSSOM, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Jaamacadda Carabta iyo dalalka kale ee Soomaaliya taageera inay cambaareeyaan weerarka, isla markaana dalbadaan in cidda mas’uulka ka ahayd lala xisaabtamo.
Maamulka ayaa ugu dambeyn sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu xallin karo wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed, ayna tahay inaan diyaaradaha iyo awoodda militari ee shisheeye loo adeegsan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.





