Hay’ada Caafimaadka Aduunka Oo Ka Digtay Faafitaanka cudurka Ebola

0

Geneva, Switzerland — Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa si weyn uga digtay xawaaraha iyo baaxadda uu ku faafayo cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, gaar ahaan meelaha u dhow xuduudaha Uganda iyo dalka Sudaanta Koonfureed .

 

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, ugu yaraan 131 qof ayaa u geeriyooday cudurka, halka in ka badan 500 oo kiis oo laga shakisan yahay la diiwaangeliyay. Cudurka ayaa si degdeg ah ugu faafaya bulshooyinka nugul, iyadoo xaaladaha amni darrada ah ay caqabad ku noqdeen dadaallada xakameynta.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo degdeg ah, iyadoo ka digtay in faafitaanku uu sii socon karo muddo dheer haddii aan la xoojin gurmadka caafimaad iyo taageerada bani’aadannimo.

Nooca cudurka ee hadda dillaacay ayaa lagu sheegay inuu yahay Ebola nooca Bundibugyo, oo ah mid dhif ah oo aan weli si buuxda loogu helin tallaal ama daawo rasmi ah oo la ansixiyay, taas oo kordhinaysa walaaca khubarada caafimaadka.

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale sheegay in colaadaha ka socda bariga Congo ay adkaynayaan gaarsiinta adeegyada caafimaadka, iyadoo ay jiraan baaqyo ah in la fududeeyo marinada gargaarka si loo badbaadiyo nolosha dadka ay dhibaatadu saameysay.

Dhinaca kale, dowladda Uganda ayaa xaqiijisay kiisas lala xiriirinayo cudurka, halka hay’adaha caafimaadka ee Mareykanka ay bilaabeen baaritaanno ku saabsan rakaabka ka imanaya aagagga uu cudurku saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here