Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa nuqullada tusaalaha ah ee baasaboorka cusub ee Soomaaliya ku wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara).
Wajiga koowaad ee qorshahan, ayaa waxaa la gaarsiin doonaa 80 buug oo ka mid ah baasaboorka cusub safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku leedahay dalalka caalamka, iyadoo tirada guud ee la qorsheeyay ay gaareyso 200 oo buug.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa baasaboorka cusub gaarsiin doonta safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo dowladaha shisheeye, si ay ula socdaan isbeddellada iyo casriyeynta lagu sameeyay dukumentiyada safarka ee dalka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin bixinta baasaboorka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in safaaradaha iyo dowladaha caalamka ay hore ugu sii ogaadaan naqshadda iyo casriyeynta lagu sameeyay dukumentiga safarka ee Soomaaliya.




