Jakarta, Indonesia – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia, Dr. Faysal Ahmed Salad, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka tababar socday muddo saddex toddobaad ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka Indonesia, iyadoo kaashanaysa Ururka Badaha ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika (MOWCA).
Danjiraha ayaa dadaal diblomaasiyadeed ku bixiyay sidii Soomaaliya loogu suurtagelin lahaa ka qeybgalka barnaamijkan, taas oo keentay in dalka markii ugu horreysay lagu daro dalalka ka qeybgalaya tababarka, inkastoo uusan xubin ka ahayn ururka MOWCA.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira gaadiidka iyo arrimaha badaha, waxaana si guul leh u dhammaystay laba wakiil oo Soomaaliyeed oo kala ahaa Mohamud Ahmed Mirwak, oo ka socday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Abdisalan Mohamed Musse, oo ka socday Maamulka Dekedda Muqdisho. Labada wakiil ayaa munaasabadda lagu guddoonsiiyay shahaadooyinka tababarka.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee barnaamijkan ayaa muhiim u ah kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyo ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada gaadiidka iyo badaha.
Ugu dambeyn, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Indonesia ayaa uga mahadcelisay Dowladda Indonesia iyo Ururka MOWCA taageerada iyo fududeynta ay u sameeyeen ka qeybgalka wakiillada Soomaaliyeed ee tababarkan.




