Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta

0

Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digay tallaabo militari oo lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadi doono mas’uuliyadda iyo cawaaqib-xumada ka dhalata haddii weerar noocaas ah uu dhaco.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xisbigu si dhow ula socdo waxa uu ku tilmaamay daan-daansi, xasarad-abuur, hurinta colaadaha sokeeye iyo abaabulka ciidamo si gaar ah uga amar qaata Madaxweynaha.

Xisbigu wuxuu cambaareeyay tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo lagu khal-khal gelinayo bulshada caasimadda, laguna carqaladeynayo wada-hadallada siyaasadeed, kuwaas oo uu sheegay inay dib u dhigi karaan horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale saraakiisha iyo ciidamada qaranka uga digay inay qaataan amarro uu ku tilmaamay kuwo baal-marsan dowladnimada, kuwaas oo lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka. Dhanka kale, xisbigu wuxuu ku baaqay in si degdeg ah heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, si loo helo hay’ado dowladeed oo haysta sharciyad iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ka waantoobo tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo dalka u horseedi kara qalalaase iyo dagaal, isla markaana uu diiradda saaro heshiis siyaasadeed oo dhab ah oo ku saabsan doorashooyinka, kaas oo uu xisbigu ku tilmaamay waddada keliya ee dalka looga samatabixin karo xaaladda taagan.May be an image of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here