Guriceel – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa tababar feer-celin ah u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 231-aad, Guutada 232-aad ee Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Har-qaboobe, magaalada Guriceel.
Wasiiru Dowlaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlgallada ka socda furimaha dagaalka, kana qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay howlihii ay ciidamada hore uga soo qabteen furimaha dagaalka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.




