Baydhabo, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo bulshada, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha bulshada, nabadeynta, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa dhageystay aragtiyada iyo talooyinka ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha shirka, isagoo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dowladnimada.
Siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay aragtidooda ku aaddan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowladnimada iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-tashiga, isku-duubnida bulshada iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka, si loo gaaro nabad waarta, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.





