Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Kennington ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee buuxa ee Washington u soo dirto Muqdisho tan iyo December 2025, markaas oo Safiir Richard H. Riley uu xilka ka tagay kaddib markii maamulka Trump uu dib ugu yeeray Mareykanka.
Magacaabista safiirka cusub ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashada dalka.
Safiirka cusub ayaa xilka la wareegaya xilli ay Soomaaliya wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadda dalka ay isku aragti ka duwan yihiin hannaanka iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.




