TEL AVIV – Ciidanka Badda Israa’iil ayaa la filayaa inay geeyaan gujisyadooda casriga ah ee nooca Dolphin-class, kuwaas oo uu u sameeyay dalka Jarmalka, xeebaha Somaliland, iyadoo la qorsheynayo in saldhig militari laga hirgeliyo dekedda Berbera, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay mareegta arrimaha difaaca ka faalloota ee Defence-Network.
Warbixintu waxay sheegtay in heshiis iskaashi amni oo ay dhowaan wada gaareen Israa’iil iyo Somaliland uu u gogol xaarayo in ciidamada badda Israa’iil ay isticmaalaan xeebaha Somaliland, taas oo u sahlaysa inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen iyo inay sare u qaadaan saameyntooda Badda Cas.
Sida ay warbixintu xustay, gujisyada nooca Dolphin-class ayaa awood u leh inay ridaan noocyo kala duwan oo gantaallo ah, oo ay ku jiraan gantaallada ridada dheer ee Popeye Turbo ee ay Israa’iil samaysay, kuwaas oo lagu qiyaaso inay gaari karaan masaafo ka badan 1,500 oo kiiloomitir.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in dekedda Berbera, oo ay maalgashi weyn ku leedahay isla markaana maamusho shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta, ay Israa’iil siin karto fursad ay ku yeelato joogitaan militari oo istiraatiiji ah gobolka Geeska Afrika.
Tallaabadan, sida lagu sheegay warbixinta, ayaa sare u qaadi karta loollanka saameynta gobolka ee u dhexeeya Israa’iil, Sacuudiga iyo Turkiga, xilli xiisadaha amni iyo tartanka quwadaha gobolka ay sii xoogeysanayaan.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxay Israa’iil ama Somaliland oo xaqiijinaya jiritaanka qorshayaashan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka soo horjeeddo heshiis kasta oo ay Somaliland la gasho dowlado shisheeye iyada oo aan loo marin Muqdisho.



