Jubaland oo baaq kasoo saartay abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Golaha wasiirada uga warbixiyay xaalada abaarta iyo qorshayaasha Wasaaradda uga dagsan gurmadka iyo wax ka qabashada xaalada taagan.

Abaaraha ka jira deegaanada Jubaland ayaa waxaa barbar socda xanuuno ay u dhimanayaan xoolaha nool iyo caabuqa #Covid19 oo ka jira deegaanada Jubbaland.

Jubaland waxaa ay ugu baaqaysaa dhamaan hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo ka qeyb qaadan karta inay tahay xiligan wakhtiga ugu haboon ee dadku ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah taas oo hadii aan hada wax laga qaban sababi karta macluul galaafata nolosha dad iyo xoolaba.

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa wada dadaal xoog leh oo loogu gurmanayo dadka ay abaarahu sameeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here