Koonfur Galbeed oo shaacisay inay diyaarisay qorshe cusub + Ujeedka

0

GAALKACYO (SMN) – Guddiga gurmadka ee uu madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed u xil-saaray soo dhoweynta dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood ayaa qorshe gaar ah u dajiyey sidii dadkaasi loo keeni lahaa K/ Galbeed.

Xubnaha guddiga oo haatan ku sugan gobolka Mudug ayaa booqday goobaha la geeyey dadkii dhowaan la soo barakiciyey ee gaaray deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale guddiga ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta gobolka Mudug & guddiga ay Puntland u xil-saartay caawinta dadkaasi, waxayna ka dhageysteen warbixino.

Ugu dambeyn guddiga ka socda Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dadka qaar ee aan awoodin inay raacaan gaadiidka lasoo saari doono diyaarado gaar ah oo loo diyaariyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here