BOOSAASO (SMN) – Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta Bosaaso ka daah-furay tababar ku saabsan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka ee magaaladaasi.
Tababarkan ayaa socon doona mudo 6 cisho ah, waxaana ka qeyb-gali doono saraakiil ka socota laamaha ammaanka, qaar ka mid ah wasaaradaha Puntland iyo xubno ka socda dowladda Hoose ee Bosaaso.
Puntland ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhowaan ka bilaabanaya gudaha dalka.






![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
