Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ka badbaaday duqeyn lagu qaaday guriiisa

0

Doolow – Guri uu degmada Doolow ka deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa la sheegay in duqeyn lala beegsaday, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in diyaarad ay guriga ku dhufatay hal gantaal.

 

Wararka  ayaa sheegayaa in Taliyaha uu weerarka ku dhaawacmay, halka gabar la sheegay inay guriga ku sugneyd ay goobta ku geeriyootay. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta ayaa weli soo baxaya.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli Taliyihii hore uu ku biiray dhinaca ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Taliyaha ayaa xilka looga qaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha oo muddo xabsi guri ah ku jiray magaalada Muqdisho ayaa markii dambe dalka ka baxay, waxaana la sheegay inuu haatan door ku leeyahay abaabulka iyo xoojinta ciidamada taabacsan Laftagareen, kuwaas oo dagaallo kala duwan kula jira ciidamada dowladda federaalka.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ee garabka lafta gareen ayaa duqeyntan ku eedeeyay dowladda Turkiga, isaga oo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay fuliyeen weerarka lagu beegsaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Cabdi, oo loo yaqaan Jeneraal Shub. Maamulka ayaa sheegay in weerarku uusan ahayn howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, balse uu ahaa weerar si ula kac ah loogu beegsaday sarkaal ciidan oo kasoo horjeeda siyaasadda dowladda federaalka.

Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa dowladda Turkiga ka dalbatay inay caddeyso cidda dooratay bartilmaameedka, cidda codsatay iyo saraakiishii Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga ee amray ama ansixiyay howlgalka.

Maamulka ayaa sidoo kale ku baaqay baaritaan caalami ah oo madax-bannaan, si loo ogaado cidda ka dambeysay duqeynta, sababta loo beegsaday guriga iyo cidda mas’uuliyadda ka lahayd khasaaraha ka dhashay.

Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysatay in awoodda militari ee Turkiga iyo iskaashiga amni ee uu la leeyahay Soomaaliya aan loo adeegsan karin khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka, iyadoo ugu baaqday dowladda Turkiga inay ka fogaato weerarrada lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo horjeeda dowladda federaalka.

Ilaa hadda, eedeymahan ku saabsan ku lug lahaanshaha Turkiga ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here