Kulan looga tashanayo geedi socodka doorayooyinka oo la furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada muqdisho maanta waxaa ka furmay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya kaas oo daba socda heshiiskii [GWQ]ee May 2023.

 

Kulankaan waxaa goob joog ka ah wasiiro katirsan dowladda, Ururrada Siyaasadda iyo bulshada rayidka ah kuwaas oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, oo kulankaan ka hadlay  ayaa kaqeybgalayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wadatashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo ee ah in la gaar siiyo qof iyo cod si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey

Ugu dembayntii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

 

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here