lhaan Cumar oo ku talisay in la abuuro gole la dagaalama Islaam Naceybka

0

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole degaan oo qaabilsan la dagaallanka Islaam naceybka.

Ilhaan iyo koox Xildhibaana ah oo ku fakar ah ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, inuu yagleelo Xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan Gudaha Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka ka jira halkan, taana waxaa looga bixi karaa in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno sifadan foosha xun.”

“Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida, Taas ayaa ah sababta aan u dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo looga hortago Islaam naceybka,” ayay Ilhaan ku tiri qoraalkeeda.

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

Ilhaan, oo ka mid ah saddexda xildhibaan ee Muslimiinta ah ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo hor kacaya dadaalkan, ayaa sidokale waxaana barbar taagan wakiilka matala gobolka Illinois, Jan Schakowsky.

Xildhibaannada kala ah Karen Bass, Judy Chu iyo Jim McGovern, ayaa sidoo kale saxiixay warqadda loo diray dowladda, Sidoo kale waxaa qayb ka ah Rashida Tlaib oo ah haweeneyda labaad ee Muslimka ah ee Aqalka Wakiillada ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here