Madaale oo la kulmay Gudiga Amniga iyo Arimaha Gudaha BFS + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay Xaalada Magaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna sidoo kale kala hadlay Qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo muhiim u ah jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here