Madaale oo si kulul uga hadlay muranada dhulka ee ka taagan Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan cabashada ka taagan dhul boobka ka socda caasimadda.

 

Madaale ayaa soo hadal qaaday muranada ka taagan dhulka Kaasa Italia, Warshada Isbuunyad oo ku dhow garoonka diyaaradaha, dhulalka la’isku haysto ee xaafadda Waxarad-Cadda iyo deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhulka Kaasa Italia waxa uu tilmaamay inay usoo baahatay dowladda Talyaaniga oo laheyd halka dhulalka kale ee la’isku haysto uu ku baaqay in la aado bahda garsoorka.

Duqa Muqdisho ayaa dhanka kale si adag uga hadlay doodda ka dhalatay barakicinta qoysaskii daganaa nawaaxiga garoonka Aadan Cadde, wuxuuna sheegay in dadkaasi oo barakacayaal ahaa meesha looga raray sababo amni, kadib dalab uga yimid hay’adda duulista rayidka.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu amray in qoysaskaasi si nabad-gelyo ah lagu dajiyo meel kale, wuxuuna meesha ka saaray in la boobayo dhulkaasi, dad kalena ay la wareegayaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen cabashooyinka ka soo yeeraya qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka sheeganayay dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here