Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo markale la soo taagay maxkamad

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa fadhiga 3aad ee dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo furay dacwada maanta ayaa sheegay in fadhiga maanta uu ku saab sanyahay soo bandhigida dhageysiga cadeeyma xafiiska Xeer ilaalinta ee ka dhanka ah edeeysanayaasha katirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sarkiisha maanta markale maxkamdda la hor geeyay ayaa kala ah Cabdullaahi Maxamed Cosoble, Cumar Macalin Nuur, Saabir Xasan Cabdi nuur iyo Aadan Maxamed Cabdi,kuwaa oo dhamaan ku Eedaysan xatooyo xoola dad weyne.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamadda gobolka Banaadir, Faarax Cabdiraxmaan Jaamac  ayaa maxkamadda horteeda ku soo bandhigay cadeymo lid ku ah edeeysanayaasha,iyoo Qareenada u dooday edeysanayasha dhakooda ay ka horyimadeen edahaasi

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here