Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan xasaasi ah ku yeesheen magaalada Narok

0

Narok — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo oo aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah magaalada Narok kula qaatay dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga baddalan tay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo xaaladaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Geeska Afrika xilli lagu jiro marxalad xasaasi ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in labada hoggaamiye ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, si wadajir ahna loogu kaashado ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxaana kulankan uu ku soo aadayaa xilli ay socoto qorshaha ay ciidamada Soomaalida kula wareegayaan amniga guud ee dalka, iyo dadaallada la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here