Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ku kulmay dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib u ambaqaadaya wadahadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed Maanta uu tegay Djibouti.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan labada madaxweyne, waxayna horay sidaan oo lale ay sanadkii hore ugu kulmeen isla dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha Jabuuti, halkaas oo ay isugu tageen inta badan madaxda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here