Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhageystayna cabashooyinka beeraleyda Soomaaliyeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wakiillo ka socday beeraleyda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ku qiimeeyay habsami u socodka howlaha wasaaradda iyo adeegyada ay u fidiso bulshada, isaga oo kulanka uu la yeeshay mas’uuliyiinta iyo beeraleyda ku dhageystay caqabadaha ay kala kulmaan wax-soo-saarka beeraha iyo suuq-geynta dalagyada.

Wakiillada beeraleyda ayaa madaxweynaha la wadaagay cabashooyinkooda iyo talooyin la xiriira sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka gudaha, loona fududeyn lahaa caqabadaha hortaagan in dalagyada beeraha ay si wanaagsan ku gaaraan suuqyada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalku ay muhiimad gaar ah siinayso dhiirrigelinta ganacsiga, ilaalinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ganacsi oo u saamaxaya ganacsatada inay si nabad ah oo hufan u gutaan howlahooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la isu dheellitiro sugidda amniga dalka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsatadu helaan jawi ammaan ah oo u sahla dhaqdhaqaaqooda dhaqaale.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeerrada uu madaxweynuhu ku sameynayo hay’adaha dowladda, iyadoo kulanka lala yeeshay beeraleyda uu diiradda saarayay caqabadaha wax-soo-saarka beeraha iyo doorka ganacsigu ku leeyahay kobaca dhaqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here